Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 6aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xil gudashada Xafiiska 1) Xil gudashada Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu marka uu gudanayo waajibaadkiisa ama uu isticmaalayo awoodihiisa xeerkan ku xusan waxa hagaya oo saldhig u ah Shareecadda Islaamka, Dastuurka JSL, xeerkan iyo xeerarka kale JSL. 2) Waxa uu xilkiisa iyo waajibaadkiisa shaqo u gudanayaa si madax bannaan oo waafaqsan xeerkan, xeerka kala xaddaynta awoodaha dawladda iyo xeerarka kale ee dalka.