Article 7
Qodobka 7aad
Original Somali text, quoted word for word
Shaqada Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda waxa uu qabanayaa shaqooyinkan hoos ku xusan: - 1) Xafiiska Garyaqaanka Guud waa lataliyaha sharci ee dawladda, wuxuu u qaabilsan yahay dhammaan hawlaha la xidhiidha sharciyada. 2) Iyada oo aan waxba loo dhimayn shaqada guud ee ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, waxa uu xafiisku qabanyaa shaqooyinkan soo socda: b. In uu ku metelo maxkamadaha hortooda hay’adaha kala duwan ee dawladda dacwadaha madaniga ah ee ku saabsan xeerarka madaniga ah (ay ku jiraan kuwa la xidhiidha shaqada), iyo kuwa idaariga ah (administrative) ee hay’adaha dawladdu ay soo oogaan ama lagu oogo. t. In uu ka furto ama ku biiro (intervene) dacwadaha madaniga ah ama idaariga ah maxkamadda awoodaha u leh ee ka qayb galkeedda sharcigu tilmaamayo, rafcaana ka qaata go’aamada ka soo baxa hadduu ku qanci waayo. j. In uu ka qayb galo ama bilaabo dacwadaha madaniga ah ama idaaariga ah ee loogu oogi karo qof ama shirkad si loo fuliyo heshiis, damaanadqaad (guarantee), rahan, deynka (ay ku jirto bixinta cashuur ama ajuuro aan la’bixin) ee ay ku leedahay hay’ad dawladeed. x. In uu ku metelayo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland dacwad kasta oo caalami ah, wada hadallo ama shirar, halkaas oo meeqaamka sharci ee Jamhuuriyadda ay tahay in laga difaaco ama lagu soo bandhigo marka uu helo tilmaanta iyo ogolaanshaha Madaxweynaha. kh. In uu diyaariyo qabyo-qoraallada xeerarka ay xukuumaddu curinayso ee loo gudbinayo golayaasha xeerdejinta (Guurtida iyo Wakiillada), si loo fuliyo masuuliyadda dawladda ee la xidhiidha soo bandhigidda mashruuc sharci ee ku xusan qodobka 74aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka JSL. d. In uu xaqiijiyo in qabyo-qoraallada xeerarka ay xukuumaddu curiso, ay noqdaan kuwa loo diyaariyo si habboon oo aan mugdi lahayn, laguna qoro luqad sharci oo la fahmi karo, si loo helo xeerar leh hannaan isku mid ah (unified standard), aan iska hor imanayn (not contradicting), isla markaana waafaqsan Dastuurka iyo xeerka kale ee dalka. r. In uu ka caawiyo Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dawladda diyaarinta xeer-nidaamiyayaasha, wareegtooyinka, degreetooyinka iyo qoraallada kale ee sharci, marka ay wasaaradaha iyo hay'adaha kale ee dawladdu u soo gudbiyaan hindise qoraleedka sharciyadaasi. s. In uu daraasadeeyo baahida xeerarka dalka, isla markaana diyaariyo qorshe sannadle ah oo dhigaya mudnaanta xeerarka una gudbiyo Madaxweynaha iyo hay’adaha ay khusayso, si loogu saleeya qorshaha miisaaniyad sannadeedka dawladda. sh. In uu siiyo Madaxweynaha, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda adeegga latalinta sharciga (legal services) ee ku saabsan go’aannada iyo awaamiirta, si loo xaqiijiyo in go’aannada iyo tallaabooyinka dawladdu ay noqdaan kuwa sharciga waafaqsan. dh. In uu ka siiyo talooyin sharci Madaxweynaha, wasiirrada iyo madaxda hay’adaha dawladda habka loo diyaariyo heshiisyada dawladda si loo xaqiijiyo in loo galay ama loo diyaariyey si waafqsan xeerarka la xidhiidha iyo sida ugu wanaagsan danta guud ee Qaranka Somaliland. c. In uu ka talo bixiyo, marka la soo weydiiyo, arrimaha sharci ee ka dhex dhasha hay’adaha dawladda si loo ilaaliyo ku dhaqanka iyo sarraynta sharciga. g. In uu kala taliyo dawladda heshiis kasta oo caalami ah (international treaty) oo ay galayso, isla markaana, isaga oo la kaashanaya Madaxweynaha iyo wasaaradaha ay khusayso, uu xaqiijiyo in la qaaday dhammaan tallaabooyinkii daruuriga ahaa ee lagu ansixin lahaa (ratification) heshiis ama mucaahado uu farayo qodobada 53aad faqraddiisa 3aad iyo qodobka 38aad faqraddiisa 6aad xarafka (t) ee Dastuurka, sidoo kalana uu keydiyo nuqullada asalka ah ee heshiisyada la ansixiyay. f. In uu kusoo saaro faafinta rasmiga ah (Official Gazette) dhammaan xeerarka ay ansixiyaan golayaasha xeerdajintu (Guurtida iyo Wakiillada) kadib marka uu saxeexo Madaxweynuhu si waafaqsan qodobka 75aad Dastuurka JSL. q. In uu kusoo saaro faafinta rasmiga ah dhammaan xeer-nidaamiyayaasha, digreetooyinka, wareegtooyinka iyo go’aannada maamul ee xeerarka dalku jideeyeen in faafinta rasmiga ah lagu soo saaro. k. Inuu soo saaro isla markaana daabaco faafinta billaha ah iyo tan sannadlaha ah, sidoo kalana ku daabaco xeerarka dalka oo xeer walba nuqul u gaar ah leh. L. Inuu ku wacyi galiyo bulshada xeerarka iyo shuruucda dalka, isagoo adeegsanaya warbaahinta kala duwan ee dalka. m. Inuu sameeyo xarun lagu keydiyo dhammaan xeerarka dalka, sidoo kalana abuuro mareeg xagga internetka ah (legal service website) oo laga heli karo dhammaan xeerarka dalka, si bulshada Somaliland loo gaadhsiiyo xeerarka dalka. n. Inuu qabto hawl kasta oo sharciga ku saabsan oo u xilsaaray Xafiiska Garyaqaanka Guud xeerkan ama xeer kale ama Madaxweynuhu. CUTUBKA SADDEXAAD QAAB-DHISMEEDKA XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE XUKUUMADDA