Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024In force
Article 6
Qodobka 6aad
Original Somali text, quoted word for word
Xil gudashada Xafiiska 1) Xil gudashada Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu marka uu gudanayo waajibaadkiisa ama uu isticmaalayo awoodihiisa xeerkan ku xusan waxa hagaya oo saldhig u ah Shareecadda Islaamka, Dastuurka JSL, xeerkan iyo xeerarka kale JSL. 2) Waxa uu xilkiisa iyo waajibaadkiisa shaqo u gudanayaa si madax bannaan oo waafaqsan xeerkan, xeerka kala xaddaynta awoodaha dawladda iyo xeerarka kale ee dalka.
Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-6