Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024In force

Article 4

Qodobka 4aad

Original Somali text, quoted word for word

Aasaasidda Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda 1. Waxa xeerkan lagu aasaasay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda oo ah xafiis hoos yimaadda xafiiska Madaxweynaha, isla markaana yeelanaya astaan iyo shaambad u gaar ah. 2. Xarunta Xafiiska Garyaqaanka Guud waxay noqonaysaa Caasimadda JSL ee Hargeysa, waxaana uu laamo ka furan karaa gobollada dalka, haddii loo baahdo. 3. Xafiiska Garyaqaanka Guud waa xafiis hoos yimaadda xafiiska Madaxwaynaha, si waafaqsan faqradda 1aad ee qodobkan, waxaanu yeelan karaa hanti guurto iyo ma’guurto ah labadaba, waxana uu ku gali karaa magaciisa heshiis kasta, kuna dacwayn karaa ama lagu dacwayn karaa magaciisa.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-4

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
3Ask about this article5