Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024In force

Article 2

Qodobka 2aad

Original Somali text, quoted word for word

Erey bixinta Xeerkan gudihiisa, haddii aan si kale nuxur ahaan loogu tilmaamin, ereyada iyo weedhaha hoos ku qoran waxay yeelanayaan macnaha halkan lagu siiyey: 1. Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda (Chief State Counsel): Waxa loola jeedaa qofka loo magacaabo in uu noqdo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. 2. Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda: Waxa loola jeedaa qofka loo magacaabo in uu noqdo ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland. 3. Garyaqaan dawladeed (State Counsel): Waxa loola jeedaa qof kasta oo ah qareen sharciyaqaan ah oo ka shaqeeyaa Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda. 4. Xafiis: Waxa loola jeedaa Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda JSL. 5. Waax: Waxa loola jeedaa waax kasta oo ka tirsan Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda oo uu hoggaamiyo Agaasime waaxeed uu magacaabo Garyaqaanka Guud. 6. Xukuumad: Waxa loola jeedaa Waaxda Fulinta ee Jamhuuriyadda Somaliland sida uu qeexay qodobka 80aad ee Dastuurku oo ay ku jiraan maamullada gobollada iyo degmooyinku si waafaqsan qodobka 110aad faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Somaliland. 7. Hay’ad/Laan dawladeed: Waxa loola jeedaa qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda sida wasaaradaha, hay’adaha, komishannada, wakaaladaha IWM. 8. Adeeg: Waxa loola jeedaa adeegyada ama shaqooyinka uu qabto xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu ee ku xusan xeerkan. 9. Latalin sharci: Waxa loola jeedaa adeegga latalinta sharci ee xafiisku siiyo laamaha kale ee Dawladda. 10.Qabyo qoraallada xeerarka: Waxa loola jeedaa diyaarinta hore ee xeerarka ay xukuumaddu curiso intaanay ansixin golayaasha xeer dajintu. 11. Xeer: Waxa loola jeedaa xeerarka ay ansixintooda iska leeyihiin golayaasha xeer dejintu. 12. Xeerarka dalka: Waxa loola jeedaa xeerarka Baarlamaanka, digreetooyinka wareegtooyinka, xeer-nidaamiyayaasha iwm. 13. Faafinta rasmiga ah: Waxa loola jeedaa daabacaadda rasmiga ah (official gazette) ee xukuumadda awood loogu siiyay inay ku daabacdo, kuna baahiso xeerarka dalka. 14. Dacwadaha madaniga ah: Waxa loola jeedaa dacwadaha madaniga ah ee aan ciqaabta ahayn ee hay’adaha dawladdu qayb ka yihiin. 15. Dacwadaha idaariga ah: Waxa loola jeedaa dacwadaha maamul ee hay’adaha dawladdu qayb ka yihiin. 16. Golayaasha xeerdejinta: Waxa loo la jeedaa Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada JSL. 17. Madaxweynaha: Waxa loola jeedaa Madaxweynaha JSL. 18. Dawlada: Waxa loolaa jeedaa saddexda waaxood ee Qaranku ka kooban yahay (Fulin, xeerdejin, garsoor) sida uu dhigayo 37aad faqraddiisa 2aad.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-2

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
1Ask about this article3