Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024In force

Article 21

Qodobka 21aad

Original Somali text, quoted word for word

Talo Sharci 1. Hay’adaha xukuumaddu waxay kala tashanayaan arrimaha quseeya xafiiska Garyaqaanka Guud 2. Talo kasta oo la siiyey hay’ad xukuumadeed oo la’xidhiidha muran sharci oo uu saxeexay Garyaqaanka Guud waa mid nuxurkeeda ay raacayaso. 3. Marka uu u arko Garyaqaanka Guud in si toos ah ama si dadban loo baal maray talo sharci oo uu siiyey hay’adaha xukuumadda, waxa uu u gudbinayaa ogaysiinta khatartaas wasiirka ama guddoomiyaha hay’adaas xukuumadeed nuqul ogaysiin ah, waxa uu u gudbinayaa Madaxweynaha. 4. Hay’adda xukuumadeed nuqulka uu u soo gudbiyey Garyaqaanka Guud, haddii ay ku qanci waayaan, waxay qoraal sababaysan u gudbinayaan Madaxweynaha. 5. Madaxweynaha ayaa go’aan ka gaadhaya murankaas ama u gudbinaya Maxkamadda Dastuuriga ah si ay u tafsiirto.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-21

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
20Ask about this article22