Article 20
Qodobka 20aad
Original Somali text, quoted word for word
Fal-dambiyeedyada masuuliyiinta Xafiiska Garyaqaanka Guud 1) Lama xidhi karo Garyaqaanka Guud, Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud iyo garyaqaannada kale haddii aan lagu qaban iyaga oo faraha kula jira denbi ciqaabtiisu gaadhayso ugu yaraan saddex (3) sanno. 2) Marka la qabto garyaqaan ka tirsan xafiiska, isaga oo denbiga ku xusan faqradda koowaad faraha kula jira, waa in la ogaysiiya Garyaqaanka Guud 48 saacadood gudahood. 3) Garyaqaanka Guud waxa uu amri karaa hakinta gudashada waajibaadka xubinta garyaqaanka ah ee la soo dacweeyey iyada oo mushaharku u socdo ama iyada oo aanu u socon inta ay socoto dacwaddu, baadhista dacwadu ama dhegaysigeedu. CUTUBKA AFRAAD QODOBBO KALA DUWAN