Article 17
Qodobka 17aad
Original Somali text, quoted word for word
Xilka iyo Waajibaadka Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda 1) Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu waxa uu ka masuul yahay hirgelinta shaqada iyo gaadhista ujeeddooyinka xafiiska ee ku xusan qodobka 7aad ee xeerkan. 2) Iyada oo aan waxba loo dhimeyn xilka iyo waajibaadka guud ee ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan iyo waajibaad kasta oo kale oo xeer kale dhigayo, xilka iyo shaqada Garyaqaanka Guud ee dawladda waxa ka mid ah: B. Waa lataliyaha adeegyada sharci ee dawladda, waxaanu dawladda u qaabilsan yahay dhammaan hawlaha iyo adeegyada sharciga la xidhiidha. T. Wuxuu ka qayb galaa dacwadaha madaniga ah iyo kuwa idaariga ah ee ka qayb galkeedda xeer tilmaamayo, kana qaadan karo rafcaan haddii uu ku qanci waayo go’aanka. J. Waxa uu dibu’eegayaa diyaarinta qabyo-qoraallada xeerarka ay xukuumaddu curiso. X. Wuxuu soo saarayaa isla markaana horumariyaa faafinta rasmiga ah (Official Gazette). Kh. Wuxuu hoggaamiyaa xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, kaas oo awood u leh maamulidda iyo kormeerka xafiiska iyo dhammaan waaxaha, qaybaha iyo shaqaalaha xafiiska. D. Wuxuu socodsiiyaa isla markaana maamulaa dhammaan hawlaha xafiisku u xil saaran yahay ee ku xusan xeerkan iyo xeerarka kale ee dalka. R. Wuxuu qorsheeyaa shaqooyinka xafiiska, si waafaqsan siyaasadda iyo qorshaha dawladda. S. Wuxuu magcaabaa madaxda waaxaha xafiiska markuu la’tashado Garyaqaan ku- xigeenka, sidoo kalana guddoomiyaa shirarka shaqaalaha xafiiska. Sh. Wuxuu soo jeediyaa miisaaniyadda xafiiska markuu la’tashado madaxda waaxaha xafiiska. Dh. Wuxuu saxeexaa heshiisyada iyo qoraallada rasmi ahaan uga soo baxa xafiiska. C. Wuxuu ka hawl-galaa kor u qaaddida xirfadaha iyo tayada shaqaalaha xafiiska. G. Wuxuu saxeexaa warbixin sannadeedka iyo xisaab xidhada xafiisku soo diyaariyo.