Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024In force
Article 16
Qodobka 16aad
Original Somali text, quoted word for word
Khubaro Latalineed 1) Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu waxa uu marka loo baahdo, ka hawl-galin karaa xafiiska khubarro latalineed si uu isticmaalo khibraddooda sharci iyada oo xilkooda iyo muddada shaqadoodaba uu go’aaminayo Garyaqaanka Guud, taas oo ku salaysan baahida shaqo ee loo qabo, isagoo latashanaya ku-xigeenkiisa. 2) Khubarada Latalineed ee ku xusan faqradda 1aad ee qodobkani waxa ay ka kaalmaynayaan Garyaqaanka Guud gudashada waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan xeerkan.
Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-16