Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 15aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Garyaqaannada iyo Shaqaalaha Xafiiska 1) Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu waxa uu yeelanayaa shaqaale ka kooban garyaqaanno iyo qareenno (solicitors) oo leh aqoon iyo xirfad sharciyeed iyo shaqaale kale ee looga baahan yahay hirgelinta waajibaadka iyo shaqooyinka xafiiska. 2) Xubnaha garyaqaannada ah ee ka hawl galaya Xafiiska Garyaqaanka Guud ee aan ku iman magacaabid Madaxweyne, waxay ku imanayaan tartan furan ama dallacsiin qof hore ugu shaqaynayay xafiiska ama ka soo beddelid (transfer) xafiis u dhigma, si waafaqsan habka shaqaalaysiinta ee shaqaalaha dawladda. 3) Garyaqaannada Xafiiska Garyaqaanka Guud waxay yeelan doonaan gunno xirfadeed (professional allowance) la mid ah gunnada ku xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud. 4) Shaqaalaha kale ee Xafiiska Garyaqaanka Guud magcaabiddoodu iyo xaaladahooda shaqo waxa lagu maamulayaa Xeerka Shaqaalaha Dawladda.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-15
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
14Weydii qodobkan16