Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 13aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Dhaarinta 1) Garyaqaanka Guud iyo Ku-xigeenkiisa waxa la marinayaa dhaarta sharciga ah muddo 30 cisho gudahood ah. Waxaana dhaarin doona Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland goob joog yahay. 2) Dhaarta ku xusan faqradda sare ee qodobkan waxay noqonaysaa dhaarta ku xusan qoddobka 129aad ee Dastuurka JSL.