Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024In force

Article 11

Qodobka 11aad

Original Somali text, quoted word for word

Shuruudaha Xilka qaadista Garyaqaanka Guud iyo ku-xigeenkiisa 1) Garyaqaanka guud iyo ku-xigeenkiisa waxa xilka lagaga qaadi karaa shuruudahan hoos ku xusan: B. Marka ay xilka gudan kari waayaan karti darro awgeed fadhiidna ka dhigta hawshii xafiiska. T. Marka ay ku kacaan anshax xumo, xatooyo, musuqmaasuq IWM. J. Marka ay iscasilaad qoraal ah u gudbiyaan Madaxweynaha, Madaxweynuhuna ka aqbalo. X. Marka ay galaan dembi xadhiggiisu gaadhayo muddo sadex (3) sanno ah ama ka badan. Kh. Marka ay gudan kari waayaan xilkooda sababo caafimaad darro ama bukaan maskaxeed awgeed oo ay cadeeyeen guddi dhakhaatiir ah oo ka diwaangashan Wasaarada Caafimaadka.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-11

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
10Ask about this article12