Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 10aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Shuruudaha Magacaabista Garyaqaanka Guud iyo ku-xigeenkiisa 1. Shuruudaha magacaabista Garyaqaanka ama ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu waa: B. In uu yahay muwaaddin reer Somaliland ah. T. In uu yahay Muslim, asluub & akhlaaq wanaagsan bulshada ku dhex leh. J. in uu leeyahay aqoon waxbarasho heer Jaamacadeed oo aqoonta sharciga ah, haystana ugu yaraan shahaadada darajada koowaad ee (LLB) oo ah jaamacad la aqoonsanyahay. X. In uu leeyahay waaya’aragnimo shaqo oo la’xidhiidha xirfada sharciga sida qareen, garsoore, xeer-ilaaliye ama macalin jaamacadeed oo sharciyada ah ugu yaraan 10 sanno. Kh. In da’diisu aanay ka yarayn 35 sanno kana waynayn 60 sanno. D. In aanu ku dhicin xukun maxkamadeed oo ciqaab ah 5 tii sanno ee ugu danbeeysay. R. In uu maskax ahaan iyo jidh ahaanba gudan karo xilka loo igmaday. S. In ay ku sifoobaan xilkas, akhlaaq wanaag, toosnaan isla markaana leeyihiin sifo dhexdhexaadnimo, karti iyo daacadnimo.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-10
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
9Weydii qodobkan11