Qodobka 9aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Shuruudaha ka Saarista Diiwaanka Gaadiidka 1) Wasaaradda Gaadiidka oo kaliya ka saari karta Diiwaanka Guud ee Gaadiidka Dawladda, si waafaqsan Qodobka 18aad ee Haggahan, kadib marka ay xaqiijiso shuruudahan hoose, a) In uu noqday hawlgab (unserviceable); b) In uu dhacay ama shil ku sobobay burbur, c) In uu dhamaaday cimrigiisu waxtarna lahayn, 2) Wasaaradda Gaadiidku waa in ay ku wargaliso Xisaabiyaha Guud ama hay’adda ay khusayso, kadib marka uu ka baxo gacanta dawladda, sifo sharci ee uu tilmaamay haggaha Maamulka Gaadiidka Dawladda, iyo Xeerarka kale ee dhaqan galka ah; 3) Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda, waxaa ka reeban in laga saaro xogta Gaadiidka ee ku jirta diiwaanka Gaadiidka ee u gaarka ah. -7-