Qodobka 11aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Wareejinta Gaadiidka Hay’addaha Dawladda 1. Iyada oo loo eegayo Heshiisyada Caalamiga ee Dawladda Soomaaliland kula jirto Hay’addaha Caalamiga (UN and International INGO’s) iyo Hay’addaha aan Dawliga ahayn, ee ku Diiwaan gashan, si waafaqsan Xeerka Ururada Samafalka Xeer Lr.43/2010, waxaa ka reeban Gaadiid kasta oo dalka kusoo galla hannaanka cashuur dhaafka ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, in la xaraasho ama lagu wareejiyo cid kasta oo u isticmaasha dano gaar ah. 2. Hay’adaha lagu xusay faqrada 1aad ee qodobkan, ee ku wareejinaysa Hay’addaha Dawladda, waa in lagu wargaliyo Wasaaradda Gaadiidka, si loo diiwaangaliyo, laguna xidho taariko (plate namber) ee GT dawladda, 3. Kalla wareejinta Gaadiidka Hay’addaha Dawladda, waa in laa sameeya shuruudaha hoos ku xusan: a) Codsiga Hay’adda la wareegaysa ama ergiska; b) Faahfaahinta nooca gaadhiga, c) Nuqulka wargalinta Wasaaradda Gaadiidka, d) Baahida ay u qabto Hay’adda la wareegayso, 4. Wasaaradda Gaadiidku waxay la wareegi kartaa, wakhti kasta oo ay u aragto in lagu dayacay goobaha lagu dayactiro Gaadiidka ee gaarka loo leeyahay. -9-