Qodobka 16aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Gaadiidka Hawlgabka Dawladda 1) Gaadiidka dawladda waxa hawl-gab (off road) lagu gelin karaa go, aan qoraal ah oo ay soo wada saareen Guddi ka kooban hay’adda dawladda ee gaagiidka iska leh iyo Khabiirro ka socda wasaaradda gaaddiidka iyo horumarinta jiddadka, go’aankaasi oo ay ku caddaynayaan in gaadiidkaasi uu hawlgabay oo aanu lahayn awood dhaqdhaqaaq oo dambe. - 11 - 2) Ka dib marka la xaqiijiyo in gaadiidka dawladdu hawl-gab noqday waxa lagu wareejinayaa Wasaaradda Gaaddiidka iyo Horumarinta Jiddadka. 3) Hay’adaha Dawladdu waa inay ku ah war-galinta (Notification Obligation) Gaadiid kasta, oo hawl-gab noqday ama xaaladaha lagu sheegay, Qodobka 9aad faqradiisa 1aad (a, b iyo c) ee Haggahan, si ay wasaaraddu ula soo wareegto; 4) Gaadiidka hawlgabka ah, ee lasoo wareegto wasaaradda Gaadiidku ee lagu dayacti karo xarunta dayactirka Gaadiidka, Wasaaradda Gaadiidku waxay ku wareejin doontaa Hay’addaha Dawladda.