Hagaha Maamulka Gaadiidka Dawladda JSL · 2024In force

Article 8

Qodobka 8aad

Original Somali text, quoted word for word

Diiwaanka Guud ee Gaadiidka Dawladda 1) Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadku waxay ka masuul tahay diiwangelinta iyo ilaalinta gaadiidka dawladda. 2) Diiwaanka Guud ee Gaadiidka Dawladda, waxaa la dhigidoono xarunta dhexe ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, kaasoo ka kooban qaybahan hoos ku faahfaahsan: a) Gaadiidka Madaxtooyada; b) Gaadiidka Wasaaraddaha c) Gaadiidka Hay’addaha Maddax Bannaan; d) Gaadiidka Wakaaladdaha iyo Hay’addaha Macaashka Sameeya ee Dawladda, e) Gaadiidka Maxkamada kala duwan ee Qaranka; f) Gaadiidka Golayaasha Xeer Dejinta (Guurtida iyo Wakiilada} g) Gaadiidka Ciidamada kala duwan ee Qaranka ee Wasaaraddu diiwaangeliso; h) Gaadiidka Dawladdaha Hoose ee Dalka. i) Gaadiidka loogu deeqo hay’adaha dawladda ee taarikada casaanka ah wasaaraddu siiso; j) Gaadiidka loogu deeqo ururada maxalliga ah ee dalka; 3) Diiwaanka guud ee gaadiidka dawladda waxa lagu qorayaa xogaha kala ah a) Hay’adda Dawladeed ee Gaadiidka iska leh, b) Nooca gaadiidka; c) Sancadiisa/Modelka d) Buuga Gaadhiga; e) Lamberka Qacaayadda, (Jess number) f) Lambarka Injiinka (engine number) g) sanadka la sameeyay (manufacture year), h) lambarka taarikada (plate number) i) Qiimaha Dawladdu kusoo iibsatay, j) Taariikhda Dawladu yeelatay; -6- k) Midabka Gaadiidka, l) Awoodda waxqaadka m) Nooca iyo Awooda wax-qaadka Buudhiga hadii uu Tareele ama is-jiid yahay n) Iyo macluumaadka kale ee wasaaraddu u aragto muhiim; 4) Gaadiid kasta, oo lagu diiwaangaliyo si waafaqsan faqrada 2aad ee qodobkan, waa in uu haysta buuga Diwaangelinta Hay’adda gacanta ku haysa isticmaalkiisa, waxaana awood u leh oo bixin doona Waaxda Gaadiidka ee wasaarada Gaadiidka. 5) Hay’ad kasta, waa in ay lahaataa diiwaan u gaar ah, kaaso lagu hayn doono xogta Gaadiidka ay maamusho, 6) Wasaaradda Gaadiidka iyo Xisaabiyaha Guud waxay hirgalin doonaan isku xidhka diiwaanka (Asset registration) hantida Qaranka ee nidaam-xisaabeedka Maareeynta Xogta Maaliyadda ee (SL-IFMIS) iyo Diiwaanka Guud ee Gaadiidka Dawladda;

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-maamulka-gaadiidka-dawladda-jsl/qodobka-8

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
7Ask about this article9