Hagaha Maamulka Gaadiidka Dawladda JSL · 2024In force

Article 7

Qodobka 7aad

Original Somali text, quoted word for word

Hubinta Badqabka Gaadiidka Hay’addaha Dawladda Wasaaradda Gaadiidku, iyadoo fulinaysa waajibaadka uu farayo Hagaha Maamulka Gaadiidka Dawladda, Waxay qabanaysaa shaqooyinka soo socda:- 1) Hubinta iyo Badqabka Gaadiidka Hay’addaha Dawladda ee soo mara hanaanka iibka ee Guddida Qandaraasyadda Qaranka ka hor inta aan lagu wareejin Hay’add leh, Waa in Wasaaradda Gaadiidku hubisaa, tayada iyo badqabka Gaadhiga, iyadoo marinaysa hannaanka hubinta Gaadiidka Dawlad. 2) Gaadiidka ka gudba hannaanka hubinta badqabka, waa in wasaaradda Gaadiidku diiwaan galiso ka dibna u gudbiso xogtiisa, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda si uu u ansixiyo foojarka kharashka iibka Gaadhiga. 3) Wasaaraddu waxa kale oo ay marinaysaa dhamaan gaadiidka dawlaadda shirrabaada (Checking) sanadlaha ah ee gaadiidka, oo laga hubinayo in ay u dhammaystirnayn yihiin dhammaan waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah dhaqdhaqaaqa gaadiidka; -5-

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-maamulka-gaadiidka-dawladda-jsl/qodobka-7

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
6Ask about this article8