Article 6
Qodobka 6aad
Original Somali text, quoted word for word
Maamulka Gaadiidka Hay’addaha Dawladda 1) Hay’addaha kasta oo Dawladeed, waxay leedahay masuuliyada ilaalinta iyo daryeelka Gaadiidka Dawladda ee ay masuulka ka tahay; 2) Madaxda Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladdu waa inay u sameeyaan nidaam cad oo ku haboon ilaalinta Gaadiidka Dawladda si looga hortago waxyeelleynta iyo dayaca ku iman kara Gaadhiga Dawladda; 3) Hay’add kasta waa in ay warbixin gaar ah ka sameeyaso wixii isbedel, burbur ama khasaare ah ee soo gaadha Gaadiidka ay masuulka ka tahay, sidoo kalana u gudbiso Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka warbixintaasi; 4) Hay’add kasta oo Dawladeed waa inay xaqiijisaa in gaadiidka dawladda loo dhiibo darawal aan shaqaale Dawladeed ahayn. 5) Wasaaradu waxay hirgelinaysa Hannaanka Isticmaalka Hay’addha Dawladda ee Buugta dalabka Shidaalka, qalabka dayactirka Gaadiidka, iyo foomka qiimaynta Gaadiidka, ee ku lifaaqa Hagahan, ee kala ah: a) Foomka qiimaynta xalaadda Gaadhiga/Mashiinka, -4- b) Foomka Codsiga Qiimaynta Qalabka dayactirka, {Purchase Request}. c) Warqada Dalabka iibka ee qalabka dayactirka Gaadiidka, {Purchase Order}. d) Diiwaanka kaydka Bakhaarka, e) Xaashida Gudoonka alaabta iyo bixista alaabta Bakhaarka {Issue Voucher}. f) Xaashida Gudoonka alaabta iyo bixista alaabta Bakhaarka {Issue Voucher}. g) Foomka Qorshaynta Isticmaalka Shidaalka, iyo faahfaahinta Gaadhiga, h) Xaashida Dalabka Shidaalka.