Hagaha Maamulka Gaadiidka Dawladda JSL · 2024In force

Article 5

Qodobka 5aad

Original Somali text, quoted word for word

Masuuliyadda Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka Masuuliyadda Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku, iyada oo fulinaysa waajibaadka uu farayo Xeerka Waddo Marista Xeer Lr. 56/2013. Iyo Qodobka 25aad ee Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaraaddaha iyo Hay’addah Xukumadda Xeer Lr.01/2018. Waxay qabanaysaa shaqooyinka soo socda:- 1) Abuuridda kaydka xogta gaadiidka dawladda oo si fudud looga heli karo xogta gaadiidka hay’adaha dawladda; -3- 2) Dejinta hannaan u gaar ah diiwaangalinta gaadiidka dawladda iyo liisamada wadista gaadiidka dawladda; 3) Dejinta hannaan si waqtiyaysan loogu Tirakoobayo gaadiidka dawladda si loo xaqiijiyo in gaadiidka dawladdu ay ka hawlgalaan hay’ddaha dawladda ee loo diiwaangeliyay; 4) Hirgalinta nidaamka lasocodka dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Dawladda ee (GPS), si looga hortagga khasaare sababto Dayacaad, Taxadardaro. Ku timaada Hantida Qaranka. 5) Kormeeridda iyo dabagalka badqabka Gaadiidka Hay’addaha Dawladd. 6) Lasoo wareegida Gaadiidkasta hawlgab noqotay ee Hay’addaha Dawladda; 7) Tababarka iyo horumarinta xirfada wadayaasha/darawal ee Gaadiidka dawlada.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-maamulka-gaadiidka-dawladda-jsl/qodobka-5

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
4Ask about this article6