Article 3
Qodobka 3aad
Original Somali text, quoted word for word
Ujeedada Haggahan Ujeeddada Haggahan wax aka mid ah; 1) In ay wasaaraddu abuurto hannaan ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku u raacdo nidaamka maamulka iyo daryeelka gaadiidka dawladda 2) In ay Wasaaraddu hirgeliso nidaam gaadiidka dawlaadda lagu hubinayo bad-qabkiisa, si loo xaqiijiyo in ay u dhammaystirayn yihiin dhammaan waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah dhaqdhaqaaqa gaadiidka dawladdu. -2- 3) In ay wasaaradu hirgeliso Diiwaan Guud oo lagu kaydiyo xogta Gaadiidka kala duwan ee Hay’adda Dawladda. 4) In wasaaraddu dejiso nidaam wada shaqayneed oo ay la yeelato hay’adaha kala duwan ee qaranka oo la xidhiidha ilaalinta iyo dayactirka gaadiidka dawladda, si looga hortago dayacaad ku timaada gaadiidka dawladda, 5) In ay wasaaraddu abuurto nidaam lagu xaqiijinayo in loo isticmaalo, loogana faa-iidaysto Gaadiidka Dawladda sida ugu haboon iyadoo laga duulayo “ilaalinta Hantida Qaranka ”