Qodobka 2aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Eray-Bixin Haggahan, haddii aanu nuxurka si ka duwan u dhigayn ereyadani waxay yeelanayaan macnaha soo socda: Tir Eray Macnaha erayga 01 Wasaaradda Waxaa loola jeedda, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka. 02 Wasiir Waxaa loola jeedda, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka. 03 Hay’addaha Waxa loola jeedaa hay’adaha kala duwan Dawladda: ee qaranku ka kooban yahay; 04 Xisaabiyaha Guud Waxaa loola jeeda, xisaabiyaha dawladda ee Dawladda ee lagu xusay qodob 20aad ee Xeerka Maamulk Maaliyadda Xeer Lr.75/2016. 05 Waaxda Waxaa loola jeedda, Waaxda Gaadiidka iyo farsamada ee Wasaaradda Gaadiidka 06 Gaadiidka Waxaa loola jeedda gaadiidka kala duwan dawladda ee ay leeyhiin hay’adaha uu qaranku ka -1- kooban yahay; 09 Badqabka Waxaa loola jeeda, Gaadiidka mara Gaadiidka hanaanka lagu xusay qodobka 7aad ee xeerkan, kaaso ay marisay Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka JSL, 10 Diiwaanka Guud Waxaa loola jeedda, Diiwaanka Guud ee xogta Gaadiidka lagu kaydiyo ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee JSL. 11 Diiwaanka Waxaa loola jeedda, diiwanka gaarka ee Hay’addaha Dawladda ee lagu kaydiyo xogta Gaadiidkooda. 12 Hawlgab Waxaa loola jeeda, Gaadiidka Hay’addaha Dawladda ee lagu sheegay xaaladaha ku xusan Qodobka 16aad ee Haggahan, 13 Xaraash Waxaa loola jeeda, Gaadhi kasta oo ka baxay gacanta Dawladda si sharci ah.