Hagaha Maamulka Gaadiidka Dawladda JSL · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 25aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Bakhaaradda Dawladda 1) Hay’ad kasta oo dawladeed, waxay yeelanaysa masuuliyadda xogta kaydinta bir badelka (Spare part) iyo diiwaanka dayactirka Gaadiidka Dawladda, ee loo isticmaalo xogta Bakhaaradda Dawladda. 2) Madaxa xisaabaadka, ka masuul ah gudoonka alaabta (Received) iyo bixinta agabka dayactirka gaadiidka Dawladda, (Government inventories). 3) Wasaaradda Gaadiidka, ayaa ka masuul ah agabka lagu dayactiro gaadiidka Dawladda, ee yaala bakhaarka kaydka ee Waaxda Gaadiidka, waa in uu lahaada shuruudahan soo socda; a) Waa in jawi ahaan mid ku haboon yahay, kuna filan in lagu kaydiyo agabka dayactirka Gaadiidka Dawladda, b) Waa in uu lahaadaa Diiwaanka Qalabka lagu dayactiro Gaadiidka, c) Waa inay lahaataa quful iyo nidaam sugan, oo ilaalinaya badqabka agabka dayactirka Gaadiidka, d) Waa in uu lahaataa qof maamula, oo ka masuula hantida taala ee agabka dayactirka, 4) Waa in uu ugu yaraan hal mar sanad kasta ama markasta oo xaalad keento in la xaqiijiyo, waa in uu Agaasimaha Waaxda Gaadiidku, xaqiijiyo jiritaanka agabka dayactirka ee yaala, bakhaarka kaydka ee Wasaaradda Gaadiika, 5) Masuuliyadda lagu sheegay faqradda 2aad ee qodobkan, waa in uu lahaada hannaanka maamul ee Bakhaaradda Dawladda, sida Diiwaan xambaarsan macluumaadka noocyadda hanti taala bakhaarka. iyo in lagu muujiya agab kasta oo ka baxaya bakhaarka, warqada bixista agabka ee (Issue Voucher). - 15 -

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-maamulka-gaadiidka-dawladda-jsl/qodobka-25
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
24Weydii qodobkan26