Qodobka 15aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Saacadaha Shaqada Gaadiidka Dawladda 1) Saacadaha shaqada ee shaqaalaha dawladdu, waa sideed saacadood maalintii oo ka bilaabanta 7:00am ila 2:00pm duhurnimo, Si wafaqsan Qodobka 10aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda Xeer Lr. 97/2022. 2) Iyadoo oo aan waxba loo dhimayn faqrada 1aad ee qodobkan waxaa jira Hay’addaha qaar shaqeeya sacaado dheerad ah(shirt), iyo 3) Adeegyadda lagama maarmaanka u ah shaqada Hay’addiisa; 4) Hay’add kasta oo Dawladeed, waxaa ka reeban adeegsiga Gaadiidka Dawladda wixii ka dambeeya 5:00pm galabnimo. CUTUBKA 3-AAD GAADIIDKA HAWL GABKA HAY’ADAHA DAWLADDA