Article 14
Qodobka 14aad
Original Somali text, quoted word for word
Masuuliyada Waddaha/Darawal Gaadiidka Dawladda Masuuliyaddaha Wadayaasha/Darawal Gaadiidka Dawladda waxaa ka mid ah kuwan soo socda: 1. Ilaalinta iyo dhawrista waajibaadka uu tilmaamay Xeerka Waddo Marista Xeer Lr.56/2013. 2. Ilaalinta iyo daryeelka Gaadhiga uu wado ama gacanta ku hayo; 3. Ilaalinta badbaadada naftiisa, nafaha dadka baabuurka la socda, iyo nafaha dadka iyo xoolaha waddada la wadaagaya; 4. In uu haysto Liisanka wadista Gaadiidka Dawladda, 5. In uu ku Wargaliyo Maamulka Hay’adiisa, cilad kasta soo wajahda gaadhig; iyo - 10 - 6. Waxaa ka reeban wadayaasha Gaadiidka, hawl kasta oo ka baxsan shaqada Hay’addiisa. 7. Masuuliyad daro kasta oo ka dhalata dayacaad uu sameeyo darawalku, inta uu gudanaayo waajibaadkiisa shaqo, waxaa loo raacayaa, si waafaqsan Qodobka 9aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda Xeer Lr.97/2022.