Hagaha Maamulka Gaadiidka Dawladda JSL · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 12aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
: Kormeerka iyo Hubinta Gaadiidka Dawladda 1. Masuuliyadaha Waaxda Gaadiidka waxaa ka mid ah kormeer lagu hubinaayo xaaladaha ay ku suganyihin Gaadiidka Hay’addaha Dawladda; 2. Kormeer kasta oo lagu hubinaayo Gaadiidka Dawladda, ee lagu helo xog tibaaxaysa, ku tagrifal ama loo isticaamay danno gaar ahaaneed, waa in lagu wargaliyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka JSL, 3. Warbixinta kormeerka ee uu soo gudbiyay kormeeruhu, waa in ugu yaraan ku jirta sharaxaad ku saabsan xaalada ay ku suganyihin Gaadiidka lasoo kormeeray iyo dayactirka ay u baahanyihin.