Article 10
Qodobka 10aad
Original Somali text, quoted word for word
Sumadda Gaadiidka Dawladda 1) Wasaaradda Gaadiidka ayaa ka masuul ah, bixinta iyo daabacada Sumada/Taarikadda Gaadiidka Hay’addaha Dawladdu, waana in uu yeesha sumadda u gaar ah, ee leh astaamahan hoos ku xusan: - a) Taarikada Gaadiidka Dawladda, waxaa laga samayn doonaa bir leh midabka doogada, oo ay ku xusantahay xarfo leh numbaro cadaana oo ah (GT-D), oo ku yaala oogada taarikada, b) Gaadhi kasta, waxa uu lahaan doontaa Taarikada hore, waxa lagu muujin doonaa dhammaan calaamadaha ku xusan Taarikada danbe iyo numbarka aqoonsi ee u gaarka ah (unique namber); c) waxa uu noqon doonaa laydi (rectangle), 345 mm dherar ahaan iyo 158 mm balac ahaan oo dhinacyada ka xardhan lehna afar dalool oo midkiiba yahay 5 mm dhumuc ahaa, d) Taariko Lambarka Gaadiidka Dawladdu, waa mid si taxane ah u socda (serial number). 2) Hay’add kasta oo Dawladdeed, ama waddayaasha Gaadiidka Dawladda, waxaa ka reeban in uu isticmaalo taariko ku diwangashan gaadhi kale oo dawladeed; 3) Hay’ad kasta oo maamusha Gaadiidka Dawlada, oo uu ka Lumo ama laga xado Sumada/Taariko lambarka Gaadiidka Dawladda, waa in ay ku wargalisaa qoraal ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka iyo Wasaaradda Gaadiidka muddo 48 saacadood gudohood, 4) Haddii muddo 30 cisho gudahood maalinta warbixinta la keenay, kadib taariko lambarkaasi la waayo, Waaxda Gaadiidku waa in ay u daabacdaa, taariko lambarkii hore ugu diwangashanaa Gaadhigaas. 5) Qof kasta, maamula Gaadiidka Dawladda oo ku guuldaraysta faqrada 2aad iyo 3aad ee qadobkan, waxaa uu qaadi doona masuuliyad daro kasta oo ka dhalata; -8- 6) Hay’ad kasta, waxaa ka reeban isticmaalka adeegsiga taarikada Gaadiidka gaarka loo leeyahay (Private Lambar), in ay u isticmaasho Gaadiidka Dawladda, 7) Iyadoo waxba loo dhimayn waajibaadka ku xusan faqrada 6aad ee Qodobkan laguma dhaqayo Hay’addaha kala ah, Xeer- ilaalinta iyo Hay’adda Sirdoonka. 8) Muddada haynta/kaydinta taarikada Gaadiidka hawlgabka ee xaraashka, waxaa la tirtiri doona muddo 5 sanno kadib xaraashka gaadhiga, wasiirka go’aamindoona, iyadoo goob-joog noqon doono hantidhawrka Guud ee Qaranka.