Xeer-nidaamiyaha Sarrifka Lacagaha qalaad · 2024In force

Article 9

Qodobka 9aad

Original Somali text, quoted word for word

Hakinta iyo Kala Noqoshada Ruqsada 1. Baanka Somaliland waxa uu ka hakin karaa karaa ruqsadda sarriflaha lacagaha qalaad haddii sarrifluhu a) Uu si joogto ah u baal maro ku dhaqanka qiimaha sarrifka suuqa ee uu sida maalin laha ah u soo saaro baanka dhexe b) Uu ku guul daraysto cusboonaysiinta ruqsadiisa muddo lix bilood gudaheed ah marka ay dhacdo ruqasadiisu 2. Baanka Somaliland waxa uu kala noqon karaa ruqsadda sarriflaha lacagaha qalaad haddii sarrifluhu: a) Ka baaqsado in uu ku dhaqmo qodob ka mid ah Xeerarka Baanka Somaliland ama awaamiir uu soo saaray Baanka Somaliland -9- b) Galo fal-dambiyeedyo maaliyadeed ama ciqaabeed ee xeerar maaliyadeed ay jideeyeen ee dalka c) Khilaafo Heerka isku sarrifka ee Baanka Somaliland si joogto ah d) Ku lug yeesho dhaqdhaaqyo lacageed oo la xidhiidha maydhaanka lacagaha iyo Maalgalinta Argagaxisadda. e) Haddii uu ku shaqayn waayo Ruqsadda muddo gaadhaysa laba iyo toban bilood (12) isla markaan aanu ogaysiin Baanka Somaliland f) Ku shaqaysto lacago foojari ama sharci Daro ah CUTUBKA 3AAD AWOODAHA BAANKA SOMALILAND

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-sarrifka-lacagaha-qalaad/qodobka-9

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
8Ask about this article10