Qodobka 11aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Warbixinta iyo La Socodka Sariflayaasha Lacagaha Qalaad 1) Sarriflayaasha lacagaha qalaad sida uu waajibinayo xeer- nidaamiyahani, waa in ay Baanka Somaliland gaar ahaan Waaxaha Siyaasadda lacagta iyo korjoogtaynta Hay’adaha Maaliyadeed u soo gudbiyaan dhacdooyinka soo socda si maalinle, todobaadle, bille iyo sanadle ah sida ay dhigayso faqradda 2aad ee qodobkan 11aad. 2) Warbixin maalinle ah, bille, todobaadle iyo sanadle ah oo koobsanaysa xaddiga lacagaha uu iibiyay ama iibsaday sarrifle kastaa iyo hadhaaga xisaabtiisa 3) Baanka Somaliland waa in loo soo gudbiyaa xogaha iyo dhaqdhaqaaqyadda dhex mara hanaanka isku bedelka lacagaha ee elektarooniga ah si la mid ah faqradda koowaad ee qodobkan 4) Shirkadaha bixiya addeegyada lacagaha telefoonada la isugu diro, waxa ay Baanka Somaliland u soo gudbin doonaan dhamaan dhaqdhaqaayadda sarriflayaasha ee ku jira hababkooda (systems) ama waxa Baanka Somaliland iyo shirkaduhu isla samayn doonaan hab online ah oo amaan ah la iskuna waafaqsan yahay taas oo Baanka Somaliland ku heli doono xogta sarriflayaasha isla marka ay dhacayaan. - 11 - CUTUBKA 4AAD HANAANKA ISKU SARIFKA LACAGAHA