Xeer-nidaamiyaha Sarrifka Lacagaha qalaad · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 15aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Khidmada Adeega Isku Sarifka Lacagaha Electronic ah 1) Shirkaduhu Waxay ku soo rogi karaan khidmad ganacsiga isku sarrifka lacagaha ee ka dhex dhaca hanaankoodda iyadda oo aan waxba loo dhimayn horumarinta adeega 2) Xaddiga khidmadda waxa goynaya shirkadaha bixiya addeega iyagoo heshiis qeexaya sida khidmada ay u qaadayaan la galaya sarrifle kasta oo isticmaala addeega sarrifka ee ka dhex furan hanaankooda. 3) Shirkaduhu waxa ay la soo wadaagayaan Baanka Somaliland si ogaysiin ah xaddiga khidmada iyo noocyadeeda ka dib marka ay ku heshiiyaan - 14 -

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-sarrifka-lacagaha-qalaad/qodobka-15
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
14Weydii qodobkan16