Qodobka 8aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Waxyabaha ka Reeban Ruqsad-Haystaha Sarrifka 1) Sarriflayaasha iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee kale ee sharcigu u ogol yahay inay ku lug yeeshaan sarrifka lacagaha waxaa ka reeban inay ku dhaqmaan waxyaalaha ay shareecadda islaamku xarimtay, oo ay kamid yihiin: a) In kala qaadashada lacagta dib loo dhigo, ama badh ka mid ah dib loo dhigo b) Khiyaamo oo ku dhaco macaamiisha sida wax isdaba marin ama sifo kastoo khaldan c) Waa in aanay kala badan lacagta la isku bedelayaa ee isku midka ah, haba kala duwanaato, (elektaroonic, shilin (Qadaadiic),warqad) -8- d) In loo shardiyo muddo guddoonka lacagaha laysku Sarrifaayo taas oo lagu dhiibayo lacagaha mid kood ama labadoodaba. e) In loo adeegsado ganacsiga Sarrifka in lagu xaraysto lacagaha suuqa yaala (Monopoly) si gacanta loogu dhigo suuqa Sarrifka taas oo dhib u keenaysa bulshada guud ahaan. f) Dhamaan wixii ganaaxyo ah waxaa loo raacayaa habka iyo hanaanka xeerarka maaliyadeed jideeyeen ee Baanka Soomaliland ku shaqeeyo