Qodobka 12aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Abuurista Hanaanka Isku Sarifka Lacagaha ee shirkadaha bixiya addeega lacagaha elektarooni-ga ah 1) Shirkad kasta oo Ruqsad ka haysata Baanka Somaliland kana shaqaysa arimaha lacagaha telefoonada la isugu diro. Waxaa ku waajib ah inay ogolaansho ka hesho Baanka Somaliland marka bilaabayso hanaanka isku sarrifka lacagaha qalaad ee electroniga ah 2) Waa inay shirkadda ama adeeg bixiyahu diyaarisaa hanaan isku sarrifka lacagaha qalaad oo ka madaxbanaan hanaananada kale ee shirkadda isagoo yeelanaya isku xidhnaan dhinaca API-ga. 3) Shirkaddu waa in ay u samayso Fure (code) u gaar ah hawsha sarrifka oo loo furi doono qof kasta oo ula yimaada liisan sarrif oo aan dhacsanayn, waxaana ay diiwaan galin doontaa xogta ka muuqata liisanka uu bixiyay Baanka Somaliland. 4) Fure-ha (Code) kasta oo ay shirkaduhu u furaan sarrifle waxaa xambaari doona number telefoon oo caadi ah. Kaas noqon oo doona number-ka kali ah ee fure-haas lacag looga diri karo, isla markaana lacag u diri kara, si loo helo macluumaadka saxda ah ee sarrifle kasta. 5) Shirkad kastaa waa inay kala saartaa fura-ha sarrifka iyo merchant number-ka ee lagu isticmaalo ganacsiyada kale. - 12 - 6) Waa in shirkadda ama addeegu lahaadaa hab maamul dhamaystiran oo khaas u ah hanaanka isku sarrifka lacagaha si loo hubiyo habasami u socodka hanaanka.