Xeer-nidaamiyaha Sarrifka Lacagaha qalaad · 2024In force

Article 7

Qodobka 7aad

Original Somali text, quoted word for word

Waajibadka Shaqo Rugsad Haystaha 1) In uu aqbalo shuruucda, qawaaniinta uu soo saaro Baanka Somaliland 2) In uu ku shaqeeyo Heerka isku sarrifka lacagaha Qalaad ee maalinlaha ah ee uu soo saaro Baanka Somaliland. 3) In aanay wareejin karin, iibin karin Ruqsada iyo Alaadaha kale ee Sarrifka ogaysiin la’aan Baanka Dhexe. 4) Shuruudaha kala wareejinta liisanka Sarrifka waxaa wareegto ku saaraya Gudoomiyaha Baanka Dhexe. -7- 5) In uu degen yahay goobtiisa shaqo ee lagu diiwaan galiyay, haddii uu ka guurayo goobta shaqo waa in uu ku soo wargaliyaa Baanka Somaliland 6) In uu cusboonaysiisto Ruqsadda Sarrifka saddex bilood ka hor taariikhda dhicista. 7) In uu ka warbixiyo dhaqdhaqaaq (transaction) qiimahiisu ka badan yahay xaddiga ugu yar ee jideeyeen xeerarka Maaliyadeed ee dalka. 8) Inuu soo gudbiyo Isbeddelka adeegga, wakiillada iyo shaqaalaha la oggolaaday.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-sarrifka-lacagaha-qalaad/qodobka-7

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
6Ask about this article8