Article 6
Qodobka 6aad
Original Somali text, quoted word for word
Darajooyinka Sarriflayaasha A. Darajada Sariflayaasha waxay noqonayaan sida ku cad ee xeerka Baanka Dhexe 54/2012 qodobkiisa 75aad oo faahfaahintiisu hoos ku cadahay: 1) Sariflaha darajada 1aad waxa loo aqoonsanayaa 600,000,000 SLSH iyo wixii ka badan ku shaqeya. 2) Sariflaha darajada 2aad waxa loo aqoonsanayaa 300,000,000 ilaa 600,000,000 SLSH ku shaqeeya. 3) Sariflaha darajada 3aad waxa loo aqoonsanayaa 120,000,000 SLSH ilaa 300,000,000 ku shaqeeya. -6- 4) Sariflaha darajada 4aad waxa loo aqoonsanayaa 50,000,000 ilaa 120,000,000 SLSH ku shaqeeya. B. Fee-ga ruqsadsiinta sarriflayaashu wuxuu noqonayaa sidan: - 1) Sarifka darajada 1aad 30,000,000 SLSH 2) Sarifka darajada 2aad 18,000,000 SLSH 3) Sarifka darajada 3aad 9,000,000 SLSH 4) Sarifka darajada 4aad 1,800,000 SLSH C. Fee-ga cusboonaysiinta ruqsadda wuxuu noqonayaa sidan: - 1) Sarifka darajada 1aad 29,500,000 SLSH 2) Sarifka darajada 2aad 19,500,000 SLSH 3) Sarifka darajada 3aad 8,500,000 SLSH 4) Sarifka darajada 4aad 1,300,000 SLSH