Xeer-nidaamiyaha Sarrifka Lacagaha qalaad · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 5aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Shuruudaha Ruqsadsiinta 1) Cidina Kama ganacsan karto adeega isku bedelka lacagaha qalaad haddii aanay Baanka Somaliland ruqsad ka haysan. 2) Shuruudaha Ruqsadsiinta Sarriflaha Shakhsiga ah: a) Codsaduhu waa inuu noqdaa muwaadin Somaliland u dhashay oo degan wadanka ama ajaanib deganaansho haysta ganacsina ku leh dalka da’diisuna aanay ka yarayn 18 sanno oo qaadi kara masuuliyad. -3- b) Codsaduhu waa inuu Codsi ogolaansho u soo gudbistaa Baanka Somaliland, kuna soo lifaaqdo, i. Kaadhka aqoonsiga ii. laba sawir oo kur ah. iii. Iyo aqoonsiyada kale ee looga baahdo c) Waa in uu leeyahay goob ganacsi (meherad albaab leh ama saxaarad taala goob cayiman oo aan guur guurin) oo uu ku shaqeeyo d) Sarrifle kasta waa in ku shubaa xisaab damaanad ah oo uga furan Baanka Dhexe lacag damaanad ah oo ku salaysan hadba darajadda ruqasadiisa. e) Lacagta damaanadda ah ee lagu waajibiyay faqradda (d) sare ee qodobkan waxa loo celinayaa sarriflaha marka uu dhamaysto muddo saddex sanadood ah oo ka bilaabmata maalinta ruqsadda la siiyay ama uu iskiis isaga soo celiyo ruqsada muddaas ka hor f) Lacagta damaanadda ee ku waajibaysa sarrifle kasta waxa ay noqonaysaa: i. Sarriflaha darajadda koowaad $4500 ii. Sarriflaha darajadda Labaad $3500 iii. Sarriflaha darajadda Saddexaad $ 2000 iv. Sarriflaha darajadda Afraad $ 1000 g) Codsiga waa inay ku qornaadaan, -4- i. Magaca mulkiilaha ii. Magaca ganacsiga oo ah mid gaar ah iii. Goobta ganacsiga ee uu ku shaqaynayo iv. Xadiga raasamaalka sarrifka uu ugu talo galay 3) Shaatiga Ruqsada sarifka waxaa qaadan kara qof ajaanib ah hadii uu: a) Deganaansho rasmi ah ka haysto Jamuuriyada Somaliland. b) Haddii uu keeno kafiil/qof ganacsade reer Somaliland ah oo damiin ka noqda c) Wixii kale ee shuruudo dheeraad ah wuxuu la wadaagayaa muwaadinka sida ku xusan Farqada 2aad ee qodobkan. 4) Shuruudaha Ruqsadsiinta Shirkadaha Sarriflaha ah a) Shirkadda waxa wada yeelaan kara dad muwaadiniin ah ama dad ajaaniib ah oo xeerkani u ogol yahay inay shirkad sarrif furtaan. Iyagoo raasamaalkana u kala yeelan kara sida ay u ku heshiiyaan. b) Codsi ogolaansho oo ay ku qoranyihiin, c) Macaga sarriflaha d) Goobta ganacsiga, Xadiga raasamaalka, heshiis qoran iyo saamiga mulkiile kasta oo sharciyaysan. War bixin kooban oo ku saabsan qorshihiisa shaqo iyo khibradda maamulayaasha iyo mulkiilayaasha. -5- e) Waa in ku shubaa xisaab damaanad ah oo uga furan Baanka Dhexe lacag damaanad ah oo ku salaysan hadba darajadda ruqasadiisa si waafaqsan faqradda 2(f) ee qodobkan. f) Waa in aanay noqon shirkad ama shakhsi xukun ciqaabeed maxkamadeed hore ugu dhacay. 5) Marka la qiimaynayo codsiga ruqsadeed, Baanku waa inuu ku qancaa: a) Xaaladda dhaqaale iyo taariikheed ee codsadaha b) Dhaqan wanaagga iyo maamulka codsadaha c) Ku haboonshiyaha xirfadeed iyo anshax ee ashkhaasta ka ganacsanaya isku bedelka lacagaha. d) Ku filnaanshaha raasamaalka iyo dakhliga qorshaysan.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-sarrifka-lacagaha-qalaad/qodobka-5
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
4Weydii qodobkan6