Qodobka 3aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Erey Bixin Aalad lacag bixineed: waxa loola jeedaa dalab kasta, ha ahaado elektaroonik ama qoraal oo loo isticmaalo wareejinta ama bixinta lacagta. -1- Adeeg-bixiye lacageed: (money Service provider): Waxaa loola jeedaa qof/hay’ad ku hawlan bixinta adeega lacageed, bixinta adeeg isku sarrif lacageed iyo cid-kasta oo baanka dhexe u aqoonsado adeeg bixiye lacageed. Baanka: Waxaa loola jeedaa Baanka dhexe ee JSL Dawlad: Waxaa loola jeedaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Dheefta sarrifka: Waxaa loola jeedaa dakhliga laga helo marka lacag wadan leeyahay lacag kale loo bedelo. (Macnaheeda waxaa weeye isku bedelka lacagta iyo faraqa u dhexeeya isku beddalka laba lacag oo kala duwan) Lacag qalaad: Waxaa loola jeeda lacag uu wadan kale leeyahay ama wadamo kale wada leeyahiin, Lacag: Waxaa loola jeedaa sida lagu qeexay qodobka 5aad ee xeerka baanka dhexe xeer Lr.54/2012 Raasamaal: waa hantidda gundhiga ah ee lagu bilaabay ganacsiga sarrifka. Sarifka lacagta: Waxa loola jeedaa iskud bedelka lacagta SLSH iyo lacag kale oo qalaad kaas oo ah laba ama wax ka badan, Sariflaha lacagta qalaad: Waxaa loola jeedaa qofka ama shirkadda ruqsadda loo siiyay ka ganacsiga iibsiga iyo iibinta lacagaha -2- qalaad guddaha suuqyadda lacagaha Somaliland Wakiil: waa qofka ay u igmadeen labada dhinac ee lacagta kala sarrifanaya in uu mid kood ama labadoodaba matalo xiliga lakala guddoomayo lacagaha la kala bedeshay