Article 13
Qodobka 13aad
Original Somali text, quoted word for word
Shuruudaha Hanaanka(systemka) Isku Sarrifka Hanaanka isku sarifku waa in uu buuxiyaa oo uu qabtaa shaqooyinkan soo socda. 1) Waa in uu soo hubin karaa sugnaashaha Ruqsadda (license)- ka sariflaha isku xidhna (integration) la samayn karaa hab(system) Baanka dhexe 2) Waa in uu ku xadidaa sarifle kasta xadiga lacageed ee ku xadidan darajadda Ruqsadda ee uu haysto sariflahu. 3) Waa in uu diyaariyaa warbixin maalinle ah oo ku saabsan tirada Dhaqdhaqaaq (transactions-ka) iyo xadiga laga sariftay sarifle kasta. 4) Waa in uu sarifle kasta u ogolaadaa in uu daabacan karo lacagaha laga sariftay, cida ka sarifatay iyo inta jeer ee laga sarriftay. 5) Waa in aanu ogolaan in number macmiil uu sarifle ka sarifto waxa ka badan maalintii 5 jeer gacanta dambe, sidoo kale qofku inuu maalintii (24 saacadood) oo dhan sarrifan karo ugu badnaan lacag dhan $300 (Saddex boqol oo Dollar) gacanta dambe ee nidaamka isku sarrifka ee moobilka lagu isticmaalo. - 13 -