Xeer-nidaamiyaha Sarrifka Lacagaha qalaad · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 10aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Kormeerka Sarriflayaasha 1) Baanka Somaliland isaga oo gudanayaa waajibaadkiisa waxa uu si joogto ah u ilaalinayaa habsami u socodka shaqo ee dhamaan sarriflayaasha u haysta ruqsadda shaqada isku bedelka lacagaha. 2) Baanka Somaliland waxa uu kormeer ku samaynayaa goobaha iyo hababka ay isticmaalaan dhamaan sarriflayaasha ka hawl gala gudaha dalka Somaliland si uu u hubiyo bedqabka suuqa sarrifka iyo kor u qaadida isticmaalka shillinka Somaliland - 10 -
Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-sarrifka-lacagaha-qalaad/qodobka-10