Xeer-nidaamiyaha Sarrifka Lacagaha qalaad · 2024In force

Article 10

Qodobka 10aad

Original Somali text, quoted word for word

Kormeerka Sarriflayaasha 1) Baanka Somaliland isaga oo gudanayaa waajibaadkiisa waxa uu si joogto ah u ilaalinayaa habsami u socodka shaqo ee dhamaan sarriflayaasha u haysta ruqsadda shaqada isku bedelka lacagaha. 2) Baanka Somaliland waxa uu kormeer ku samaynayaa goobaha iyo hababka ay isticmaalaan dhamaan sarriflayaasha ka hawl gala gudaha dalka Somaliland si uu u hubiyo bedqabka suuqa sarrifka iyo kor u qaadida isticmaalka shillinka Somaliland - 10 -

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-sarrifka-lacagaha-qalaad/qodobka-10

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
9Ask about this article11