Article 9
Qodobka 9aad
Original Somali text, quoted word for word
Shagada Guddi-hawleedka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Shaqada Guddidu waa: - 1. Fududaynta xidhidhka is faham ee u dhaxeeya Xisbiyada/Ururrada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL. 2. Isku-xidhka Xisbiyada/Ururada iyo Komishanka si loo kobciyo daah-furnaanta, wada-shaqaynta, ka- wada-tashiga hawlaha la xidhiidha habsami u socodka Doorashooyinka Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee Xisbiyada Qaranka. 3. Guddidu waxa ay noqonaysaa madal wada hadal iyo wada-xaajood (Forum for Dialogue) 00 lagaga y jonay ; 4) Sy Sas doodo arrimaha doorashooyinka. Madashani waxay noqonaysaa mid — udhaxaysa Xisbiyada/Ururada iyo KDQ. 1. Guddidu waxa ay fududaynaysaa in Xisbiyada iyo Ururaddu ku dhaqmaaan isla markaana ixtiraamaaan Xeerarka Doorashooyinka, Xeerarka Hab-dhaqanka, Xeer- nidaamiyayaasha/Hoosaadka, iyo Habraacayada Komishanku soo saaro. 5. In ay hubiyaan in Xisbiyada iyo Ururradoodu u hogaansamaan Xeerarka Hab-dhaqanka, isla markaana xaqujiyaan fullinta iyo ku dhaqanka Xeerarka, iyo awaamurta ka soo baxda Komishanka iyo Guddida Anshaxa, Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka. 6. Guddidu waxay KDQ kala shaqayn doontaa soo-xulista tyo maamulka wakulada (muraaqibuinta) Xisbiyada/Ururrada ee heer gobol/degmo/goobeed. KDQ ayaa dajinaya habraaca soo xulista tyo maamulka wakuilada. 7. Guddidu waxay ka caawinaysaa KDQ, hubinta dhex-dhexaadnimada hawl-wadeenada (integrity screening) loo qaadanayo Gobolada iyo Degmooyinka marka ay dalbadaan. 8. Guddidu waxa kale 00 KDQ kala shaqayn karaan wixu kale ee looga baahdo.