Xeer-hoosaadka Guddiga-hawlwwdka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda (Taskforce Committe) · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 6aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Tirada Guddi-hawleedka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda 1. Xubnaha Guddi-hawleedka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadu waxa ay ka koobnaanayaan saddex iyo toban xubnood (18) 00 kala ah: a. Saddex (8) xubnood oo ka kala socda saddexda Xisbi Qaran b. Toban (10) xubnood oo ka kala socda tobanka Urur — Siyaasaddeed ee jira. 2. Haddii ay isku biiraan Ururrada Siyaasaddu, ama Urur Siyaasaddeed ku biiro Xisbi Qaran, xubintii ka socotay Ururka ku biiray Ururka kale, ama Ururka ku biiray Xisbi Qaran waxa ay waayaysaa xubintii ku metelaysay Guddi-hawleedka maadaama uu lumay jiritaanka Ururkii uu ku matalayay. 3. Haddii laba Urur isku biiraan oo ay qaataan magac cusub, labadii xubnood ee hore Guddi- hawleedka ugu matalayay labada Urur ee isku biiray magaca cusubna qaatay, halkaas ayay ku waayayaan xubinimadoodii Guddida. Ururka magaca cusub sita ayaana dib u soo magacaabaya xubinta cusub ee Guddi-hawleedka uga mid noqonaysa. L, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa wax-ka-bedel ku samayn kara Tirrada Guddi- hawleedka ce ku xusan faqrada 1™ haddii ay dhacaan xaaladaha ku xusan fagrada 2™ iyo 3“" ama xaalado kale ba.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-hoosaadka-guddiga-hawlwwdka-xisbiyada-qaranka-iyo-ururrada-siyaasadda-taskforce-committe/qodobka-6
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
5Weydii qodobkan7