Qodobka 8aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Hannaanka soo gudbinta xubnaha Guddida | 1. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Xisbiyada iyo Ururrada la wadaagaya wakhtiga iyo hannaanka loo soo gudbinayo xubnaha Guddida. 2. Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaran iyo Ururrada Siyaasadda ama cidda ay u wakiishaan ayaa u soo gudbinaya KDQ xubnaha uga mid noqonaya Guddi-hawleedka. Iyaga oo Komishanka ugu soo gudbinaya warqad rasmi ah oo shaambadaysan oo saxeexan, kuna lifaaqan yihiin nuqulada warqada dhalashada ee xubinta, shahaadada heerka aqooneed, warqada aqoonsiga xubinimada Xisbiga ama Ururka, warqada dambz la’aanta, warqada caafimaadka, iyo waayo-aragnimada shaqo (CV). 3. Wakulka Gudoomiyaha Xisbi/Urur u soo wakiishay magacaabida xubinta Guddi-hawleedku waa inuu Komishanka u soo gudbiyaa caddayn muujinaysa in Gudoomiyuhu soo wakiishay.