Xeer-hoosaadka Guddiga-hawlwwdka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda (Taskforce Committe) · 2024In force

Article 8

Qodobka 8aad

Original Somali text, quoted word for word

Hannaanka soo gudbinta xubnaha Guddida | 1. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Xisbiyada iyo Ururrada la wadaagaya wakhtiga iyo hannaanka loo soo gudbinayo xubnaha Guddida. 2. Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaran iyo Ururrada Siyaasadda ama cidda ay u wakiishaan ayaa u soo gudbinaya KDQ xubnaha uga mid noqonaya Guddi-hawleedka. Iyaga oo Komishanka ugu soo gudbinaya warqad rasmi ah oo shaambadaysan oo saxeexan, kuna lifaaqan yihiin nuqulada warqada dhalashada ee xubinta, shahaadada heerka aqooneed, warqada aqoonsiga xubinimada Xisbiga ama Ururka, warqada dambz la’aanta, warqada caafimaadka, iyo waayo-aragnimada shaqo (CV). 3. Wakulka Gudoomiyaha Xisbi/Urur u soo wakiishay magacaabida xubinta Guddi-hawleedku waa inuu Komishanka u soo gudbiyaa caddayn muujinaysa in Gudoomiyuhu soo wakiishay.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-hoosaadka-guddiga-hawlwwdka-xisbiyada-qaranka-iyo-ururrada-siyaasadda-taskforce-committe/qodobka-8

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
7Ask about this article9