Xeer-hoosaadka Guddiga-hawlwwdka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda (Taskforce Committe) · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 2aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Eray-bixinta Komishanka: - Waxaa loola jeceda Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) oo u xilsaaran maamulida iyo ka garsooridda arrimaha doorashooyinka. Xisbiyada Qaranka: - Waxaa loola jeedaa saddexda Xisbi Qaran ce JSL, kuwaasi oo wu tartamaya doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee Xisbiyada Qaranka. Ururr Siyaasadeed: - Waxaa loola jeeda Ururrada Siyaasadda ee ay Guddida Diiwaangalinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku u soo soo gudbiyeen Komishanka, kana qaybgalaya doorashada tooska ah ce Xisbiyada Qaranka. Guddi: - Waxaa loola jeedaa Guddi-hawleedka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda. Doorasho: - Xeer-hoosaadkan, doorasho waxaa loola jeedaa doorashooyinka Madaxweynaha, Ku- xigeenka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka ee KDQ u cayimay November 13, 2024.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-hoosaadka-guddiga-hawlwwdka-xisbiyada-qaranka-iyo-ururrada-siyaasadda-taskforce-committe/qodobka-2
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
1Weydii qodobkan3