Xeer-hoosaadka Guddiga-hawlwwdka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda (Taskforce Committe) · 2024In force

Article 13

Qodobka 13aad

Original Somali text, quoted word for word

Kulamada Guddi-hawleedka Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda 1. Guddidu waxay kulan yeelanaysaa bishiiba laba jeer. Haddii arimo degdeg ahi yimaadaan, guddidu waxay codsan kartaa kulamo deg-deg ah. 2. Shirarka la xidhiidha arimaha degdega ah waxaa codsan kara guddida lafteeda, ama Komishanka Doorashooyinka Qaranka, hase ahaatee midba waa inuu midka kale ogaystis ku siiyo maalinta iyo saacada kulanku dhacayo, iyo ujeedada kulanka. 3. Waa in la diyaariyo warbixinta shirkasta oo dhaca loona gudbiyo Komishanka si loo diiwaangaliyo (Meeting minutes). 1. Xubinta Guddi-hawleedku iyadaa ka masuul ah in ay xogta gaadhsiiso Xisbiga/Ururrka ay matalayso. 5. Xubnaha Guddi-hawleedku waa inay dhawraan wakhtiyada shirarka. 6. Haddii mid ka mid ah ama in kabadan ka maqnaato shirarka ku xusan faqrada 1“ iyo 2™ ce qodobkan, shirku wuu soconayaa loona hakin mayo xubnaha maqan iyadoo la dhawrayo habsami u socodka hawlaha shaqo ee doorashooyinka, hase ahaatee warbixinta shirka waa lala wadaagayaa. : 7. Xubnaha guddidu waa in ay dhawraan ka soo qayb-galka shirarka guddida, hadii xubin ka mid ah guddidu labo shir oo rasmiya isla markaana isku xiga uu ku maqnaado sabab la’aan, xisbiga/ururku waa in uu soo badeshaa. 8. Haddii xubin guddida ka mid ah shirka iman kari waydo, xubinta shirka waxa ku matalaaya Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka ama xoghayaha guud ee xisbiga/ururka mid-kood. 9, Shirarku waxay ka dhacayaan xarunta Komishanka. Haddiise baahi lagama maarmaan ahi timaado in meel kale lagu qabto shirka udhaxaynaya Guddi-hawleedka iyo Komishanka, waxaa go’aaminaya in shirkaasi meel kale lagu qabto Komishanka, iyada 00 aan waxba loo dhimayn hawlaha shago ce guddidu u xilsaarantahay. 10. Komishanku wuxuu awood u Ieeyahay inuu wax ka bedel ku sameeyo wakhtiga kulamada guddida haddii loo baahdo.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-hoosaadka-guddiga-hawlwwdka-xisbiyada-qaranka-iyo-ururrada-siyaasadda-taskforce-committe/qodobka-13

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
12Ask about this article14