Article 7
Qodobka 7aad
Original Somali text, quoted word for word
: Ciqaabta fal-dambiga Kootarabaanka Qofkasta oo lagu qabto badeecad kootarabaan ah waxaa lagu ganaaxayaa ugu badnaan toban (10) laab, cashuurta ku waajibtay badeecada la qabtay, iyadoo loo eegayo xadiga cashuureed ee lala baxsanayay iyo inta jeer ee lagu qabtay fal dambiga kootarabaan. Hadii dacwadiisu u gudubtay Maxkamadda waxaa lagu xukumayaa ugu badnaan toban (10) laab, cashuurta ku waajibtay badeecada la qabtay iyo xadhig aan ka badnayn sadex sano (3), Gaadiidka siday badeecad kootarabaan ah hadii uu yahay gaadhi, waxaa lagu ganaaxayaa marka 1aad 10,000,000 SLSH, marka -4- 2aad 15,000,000 SLSH, marka 3aad 20,000,000 SLSH, marka 4aadna waa lala wareegayaa. Hadii uu yahay xoolo waa la xaraashaayaa. Gaadiidka badda ee kagu qabto kootarabaan waxaa lagu ganaaxayaa ugu badnaan 10 laab cashuurta ku waajibtay badeecada uu siday ee kootarabaanka.