Qodobka 5aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
: - Habka ka hortaga iyo kadaba taga kootarabaanka. Ciidanka Ilaalada Cashuuraha iyo shaqaalaha Kastamada ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada ayaa waajib ka saarin yahay ilaalinta iyo ka hortaga kootarabaanka, waxaanay xil iska saarayaan ilaalinta badeecad kasta oo dalka soo galaysa, waxaanay adeegsan karaan tab iyo xeelad kasta oo ay ku gudan karaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale Ciidanka Ilaalada Cashuuraha iyo Shaqaalaha Kastamada ee Wasaarada Horumarinta Maaliyadu waxay ka daba tagi karaan badeecad kasta oo si sharci daro ah dalka lagu soo galiyay, meel kasta oo la geeyo ama lagu qarinayo.