Xeer-Nidaamiyaha La Dagaalanka Kootarabaanka · 2024In force

Article 6

Qodobka 6aad

Original Somali text, quoted word for word

: habraaca qabashada iyo ganaaxa kootarabaanka Marka la qabto badeecad kootarabaan ah iyo gaadiidka lagu sidaba, waxaa loo habraacayaa Xeerka Katamada Somaliland (Xeer Lr. 73/2016) iyo Xeer Nimaadiyahan. Laga bilaabo marka la qabto badeecad kootarabaan ah iyo gaadiikii sidayba ilaa inta lagu fulinayo ganaaxa ee marxalada waaxda kastamada ee Wasaarada Hurumarinta Maaliyada JSL iyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku haynaya. Marka gacanta lagu dhigo badeecad kootarabaan ah iyo/ama gaadiidkii siday waxaa masuulka badeecada iska leh iyo masuulka waday ama leh gaadiidka lagu siday badeecada kooratabaanka Marka la qabto badeecad kootarabaan ah isla markiiba waxaa ogaysiin qoraal ah la siinayaa masuulka badeecada leh iyo/ama waddaha ama mulkiilaha gaadiidka siday. Masuulka badeecada kootarabaan ka waxaa la siinayaa ogaysiin qoraal ah oo ay ku caday cashuurta badeecadiisa ku waajibtay iyo -3- ganaaxa la saaray ee ka dhalatay falka dambiga ah ee badeecada la kootarabaaninayay. Wadaha ama masuulka gaadiidka siday badeecad kootarabaan ah waxaa la siinayaa ogaysiis qoraal ah oo ay ku caday ganaaxa la saaray ee ka dhashay fal dambiga loo haysto. Qoraalka ogaysiiska ee ku socda masuuliyiinta ku xusan Faqradaha II iyo III ee qodobkan, waxaa diyaarinaya masuulka ugu sareeya ee kastamka wasaarada maaliyada u qaabilsan goobtaa. Muddada ogaysiiska qoraalka ah ee sare ku xusan waa muddo hal bil ah oo ka bilaabanta maalinta la siiyay masuulka. Hadii mudadaa bisha ah lagu soo bixin waayo cashuurtii iyo ganaaxii ku waajibay; Ciidanka Ilaalaha Cashuuruhu waxay diyaarinayaan galdacwadeed ciqaaba waxaanay u gudbinayaan haayadaha ay khusayso, si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta. Inta lagu guda jiro qabashada kootarabaanka hadii ay ka dhashaan fal dambiyeed kale, waxaa markiiba loo gudbinayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha awooda u leh, waxaana loo raacayaa Xeer Lr. 73/2016 iyo Xeerka Ciqaabta Guud.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-la-dagaalanka-kootarabaanka/qodobka-6

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
5Ask about this article7