Article 8
Qodobka 8aad
Original Somali text, quoted word for word
: - Shuruudaha Cashuur dhaafka warshadaha 1. Si loogu dhiiri geliyo warshadaha loona siiyo cashuur dhaaf, mulkiilayaasha warshadaha cusub waxaa looga baahanyaha shuruudahan: - a) a Si waafaqsan xeerka maalgashiga Xeer Lr.99/2021 waa in raasmaalka warshadda ugu yari noqodaa $100,000 iyo wixii ka badan b) Shaqaalayso ugu yaraan 30 shaqaale reer Somaliland ah; iyo c) Si waafaqsan xeerka maalgashiga Xeer Lr.99/2021 Waa inay 30% ugu yaraan alaabta caydhiin ay ka isticmaasho khayraatka dabiiciga ah ee dalka. d) In ay u gudbiyaan Maamulka Kastamka gal buuxa oo ay ka kooban; cilmi baaris, qiimeyn, iyo dhammaan dukumiintiyada ay khusaysayso oo ay ogolaatay Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha, taas oo u aqoontay warshaddaa iyo noocyadeeda qalab. 2. Mulkiilayaasha warshadaha cusub ee u qalma ka reebitaanka waajibaadka Cashuurta soo dejinta ee ku xusan faqradda 1aad ee Qodobkan waxaa laga dhaafi doonaa waajibaadka soo dejinta ee Qalabka loo isticmaalo warshadda laga bilaabo taariikhda warshadda la aasaasay; —15— 3. Mulkiileyaasha warshadaha ee hela cashuur dhaaf la xiriira Qalabka ee ku xusan faqradda 3.2aad ee Qodobkan waxaa ka mamnuuc ka ah iibinta ama haddii kale u wareejinta qalabka dadka ama ururada kale ee ka baxsan warshaddan; 4. Haddii ay dhacdo in milkiilaha warshad uu fulin waayo awaamiirta lagu sheegay farqadan 3aad ee Qodobkan, mulkiiluhu waxaa ku waajib ah inuu si dhakhso ah u bixiyo: - a. Cadad u dhiganta qadarka waajibaadka Cashuurta soo dejinta ee laga dhaafay sida ku xusan qodobkan; iyo b. Ganaax dhan labn laab ee qadarka Cashuurta waajibtay, sida waafaqsan Qodobka 178 ee Xeerka LR 73/2016. 5. Ujeeddooyinka Qodobkaan, warshadaha helaya ka dhaafista waajibaadka soo dejinta ee ku xusan Xeernidaamiyahani waxaa looga baahan doonaa inay hayaan diiwaanno si gaar ah u tilmaamaya qalabka lagu helay Cashuur dhaafka; CUTUBKA AFRAAD: CASHUUR-DHAAFYADA KALE