Qodobka 3aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
: - Micnaha ereyada Haddii aan si kale loogu qeexin Xeer nidaamiyahan, Erey kasta oo lagu tilmaamo Xeer nidaamiyahan wuxuu la mid yahay Kan lagu qeexay Xeerka Kastamka, Xeer.Lr. 73/2016, iyo Xeerarka kale ee saameynta tooska ah ku leh Xeernidaamiyehan; a) "Maamulka Kastamyada" waxaa looga jeedaa Agaasinka waaxda kastamada ilaa inta laga soo dhisayo Hay’adda Dadhliga JSL ee lagu aas-aasay Cutubka 5aad ee Xeerka Dakhliga; b) "Heshiiska caalamiga ah" waxaa loola jeedaa, qeexitaanka lagu sheegay Xeerka Kastamka iyo heshiisyada kale oo lala galay waddammada iyo ururrada caalamiga ah; c) “Canshuur dhaafka”: waxaa loola jeedaa badeecaddaha, Hay’adda (kuwa dadweynaha, kuwa gaarka ah iyo kuwa caalamiga ah ba) iyo shakhsiyaadka leh u-qalmitaanka Cashuur Dhaafka; ee uu Xeer ka dhaafay Cashuurtii ku waajibtay gebi ahaan ama qayb ahaan; d) Xeernidaamiye “Regulation”: waxaa loola jeedaa Xeernidaamiyahan Cashuur dhaafka, Xeer Lr. 01/2023; —3— e) “Wasaarad”: waxaa loola jeedaa Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda; f) “Wasiirka”: waxaa loola jeedaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. g) Wershad waxaa loola jeedaa shirkad ganacsi oo farsamaysa isla markaana soo saarta alaabooyinka la isticmaalo kana samaysa walxaha Caydhin, soona saarta shay ama waxka duwan wixii hore;